SAWIRO:- Ciidamadda Dowladda oo Muqdisho kuso bandhigay Rag shabaab katirsan

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa waxa ay howlgalo ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay gudaha iyo daafaha Magaaladda Marko ee Xarunta gobolka Sh/Hoose halkaas oo dhawaan ay kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalkaasi, ayaa waxaa lagu soo qabtay in ka badan 32 isugu jira Saraakiil iyo rag ka tirsan Al-Shabaab , kuwaasi oo dhammaantood qirtay kamid ahaanshaha Al-Shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee howlgalkaas sameeyey,sila markaana manta la soo bandhigay.

goobta lagu soo bandhigay raga la soo qabtay, ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan xubno ka socday xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Abaandullaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa sheegay in raga ka tirsan Al-Shabaab ee lasoo qabtay ay qirteen kamid ahaanshaha Alshabaab, waxaana uu xusay in dhowaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida lasoo taagayo.