Siyaasi Axmed Shire Falagle oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si faah faahsan uga warbixiyay shirka Kismaayo uga furmay madaxda maamul goboleedyada dalka.
Shirka oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee shanta ah Cabdiwali Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Axmed Ducaalle Xaaf, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ay ka jeediyeen khudbado ay dhinacyo kale duwan uga hadleen ayaa ku dheeraaday eedeynta dowladda federaalka.
Siyaasigu wuxuu sheegay in wixii qaldan masuuliyaddeeda ay qaadanayso madaxda dowladda federaalka.
Axmed Shire Falagle oo horay wasiir maamul soo noqday ayaa meesha ka saaray in maamullada ay yeelanayaan wax eed ah wuxuuna sheegay in dowladdu ay u soo jeedin la shaqeynta maamullada.