Akhriso:-Sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka gudaha soomaaliland

0

Qiimaha la iibiyo shidaalka deegaanada Somaliland  ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta sare u kacay, Xili la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay Xukuumadda Madaxweyne Buuse Biixi iyo Shirkadaha ku midoobay maamulka Haamaha shidaalka Berbera.

Muranka u dhexeeya xukuumada Muuse Biixi  iyo ganacsatada maamusha haamaha Kaydka shiidaalka ee Berbera ayaa  salka ku hayo qaabkii ay ganacsatadu u wareejin lahayd maamulka haamahaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawaan waxaa uu soo saaray wareegto ku saabsaneed in Haamaha Keydka shidaalka ee Berbera dib ula wareejiyo Xukuumada, balse ganacsatada ay  arrintaas ka soo horjeesteen.

Shirkada  Berbera Oil Group ee magaciida loo soo gaabiyo  (BOG),ayaa waxaa ay iyaguna billaabeen in ay sare u qaadaan qiimaha shidaalka, iyaga oo ku adkeynaya  Xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Suuqyada Magaalada Hargeysa ayaa Maanta si weyn looga dareemayaa sare u kac ku yimid  mar qura  qiimaha shiidaalka la iibiyo, iyada oo halkii Litir ee Patrol-ka uu   marayo 10,000 shilin(Toban kun oo shilinka lacagta Somaliland).

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Soomaaliland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.