Shirka Madaxda maamul gobaleedyada oo goordhow ka furmay kismaayo.

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada Hoose ayaa waxaa  goordhow  ka furmay shirka golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada, kaas oo dhamaan ay u dhan yihiin xubnihii ka qeybgalaya shirka.

Waxaana Shirka  si rasmi ah magaalada kismaayo ugu  furay madaxweynaha maamulka jubbaland Axamed Maxamed  Islaam (Axmed Madoowe),Waxaa uuna  inta badan kaga hadlay arimo ay kamid tahay amniga,dastuurka iyo eedeemo uu u soo jeediyay dowlada dhexe.

Shirka ayaa soconaya mudo sedex maalin ah waxaana diirada lagu saaayaa qodobo ay ka mid yihiin,Amniga,kheyraadka, hormarka iyo arimo kale.