Guddiga amniga Jubaland”Shabaab deg deg ayaan uga sifeyneynaa Jubaland”

0

Guddiga amniga maamul goboleedka Jubaland ayaa waxa ay yeesheen kulan amniga looga hadlayay, diirraddana waxaa lagu saaray sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Jubaland.

Shirkan albaadu uxiraayeen kadib waxaa warhaabinta la hadlay Wasiiru dawlaha Jubaland Axmed Cabdiraxmaan Xaaji Cali waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uqaadi doonaan hawlgal ay Shabaab deegaanadooda kaga saarayaan.

Sidoo kale shirkan waxaa looga hadlay sidii loosii adkeyn lahaa amniga Kismaayo, gaar ahaan inta ay martigalineyso shirka iskaashiga dawlad goboleedyada.