Rag lagu tuhmayo Al-shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay Gobalka Barri

0

C/xakiin Yuusuf Xuseen Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Amniga ee gobolka Bari ay gacanta ku  dhigeen rag looga shaki san yahay in ay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish,isagoona sheegay in weli  ay baaritaano socdaan.

Sidoo kale Taliyaha oo sii hadlayay  ayaa sheegay in dhalinyarada Mobeelada dadka ka dhaca ay ciidamada ka Mashquuliyeen howlgaladii kale ee lagula dagaalamayay  xubnaha ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ka tirsan eexiligan ku sugan qeybo ka mid ah gobalka Barri.

Shacabka ayuu ugu baaqay Taliyaha  in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee maamulka Puntland,si buu yiri loola dagaalamo Al-Shabaab iyo Daacish.