NISA”Xubin qaraxyo maleegayay ayaan soo qabanay”

0

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa war qoraal ah oo ay soo galisay barta ay ku leedahay mareegta Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubin ka tirsan Shabaab.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in qofkan la qabtay maalinimadii shalay aheed, qofkan ayaa lagu eedeeyay in uu maleegayay qaraxyo.

Shalay galinkii hore ayaa ugu danbeysay oo Shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen xarunta degmada Hawl-wadaag, oo dad aan tiro yareyn oo rayid ay ku waxyeeloobeen.