Akhriso:-Somaliland oo xukuntay Ajaanib Si Sharci daro ah kheyraadka dalka u gunayayay

0

Maxkamadda degmada Berbera ayaa maanta xukun ku ridday afar qof oo ka mid ah lix qof oo u xirnaa eedo la xiriira ugaarsi sharci-darro ah.

Dadkan la xiray oo shan ka mid ahi u dhasheen dalka Pakistan, ayaa maxkamaddu Saddex ka mid ah ku xukuntay midkiiba Afar Kun oo Dollar oo ganaax ah.

Dadkan ayaa la sheegay inay shaqaale ka ahaayeen saldhigga Imaaraadka Carabta uu ka dhisayo magaalada Berbera.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa waxa ay sheegeen laba ka mid ah eedeysanayaasha in lagu qabtay Deero oo xilligaasi ay si sharci daro ku soo ugaarsadeen.

Saddex ka mid ah eedeysanayaashan oo midkood uu ka soo jeedo degaanada Somaliland ayay Maxkamaddu sheegtay in xuriyadooda dib loogu soo celiyo.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa Maxkamadaha Somaliland ka socday kiisas la xiriira ugaarsi sharci daro ah iyo sidoo kale ka ganacsiga xayawaanka qaarkood.