Akhriso:-Meydka ruux dhalinyaro ah oo lagu arkay degaanka Siinka dheer

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in dadka degaanka ay saakay ruux dhalinyaro ah oo Meyd ah ay halkaasi ku arkeen.

Qaar ka mid ah dadka kunool degaanka Siinka dheer ayaa sheegay in wiil dhalinyaro ah oo Meyd ah Saakay lagu arkay degaanka, kaasoo kasoo lusha mid ka mid ah Balaha Shirkadda Korontadda ee BECO.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo in uu ka mid ahaa Shaqaallaha Shirkadda oo Korontadu dishay xilli uu ku howlanaa furida qalabka iyo in uu ahaa tuug doonaayay Baalaha in uu kala baxo batariga.

Maamulka degaanka ayaa soo gaaray goobta, waxaana baalaha ay kasoo dejiyeen Meydka ruuxaasi dhalinyaradda ah.