Mareykanka oo joojinaya taageeradda uu siin jiray Pakistan

0

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay hakinayso $300 oo milyan oo doolar oo ay siin jirtay dalka Pakistan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in sababtu tahay in Xukuumadda Pakistaan ay ku guuldarreysatay iney wax horumar ah ka sameeyso la daggaallanka kooxaha argagixisada.

Gaashaanle dhexe Kone Faulkner Afhayeenka Pentagon waxaa uu sheegay in ay ciidamada Mareykanku doonayaan lacagaha ay Pakistan siiyaan iney ku bixiyaan meela kale oo “muhiimad degdeg ah leh.”

Go’aanka Mareykanka uu ka gaaray dhaqaalaha uu ku taageeri jiray Pakistan inuu joojiyo waxaa la horgeyni doonaa Aqalka sare ee Mareykanka, iyada oo bishi January la iclamiyey qayb ka mid ah tallaabbada uu Mareykanka ka qaadi doono Pakistan.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay wuxuu Pakistaan ku eedeeyey in ay Mareykanka Khiyaantay iyada oo balayiin doolar uu siiyo.