Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, rag hubeysan ayaa galabta waxa ay qeybta Khudaarta ee suuqaasi ku dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Minishiibiyada.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen ciidankan markii la tooganayay inay ku hawlnaayeen qaadista lacag canshuur ah, marqurana ay ka war heleen rasaas ku socota.
Ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa ka baxsaday goobta, ciidan ka tirsan dowladda oo tagay goobta ayaa la sheegay rasaas ay fureen inay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo suuqa joogay.
Ciidanka dowladda federaalka ayaa hawlgal aan cidna lagu soo qaban waxa ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha qeybta degmada Hodan oo dilka uu ka dhacay.
