Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda oo ku wajahan Kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qabanqaabadda soo dhawweynta madaxda maamul goboleedyadda.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ayaa qaarkood maanta lagu waddo in ay gaaraan Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta tagaya Magaalada Kismaayo sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay.

Shirkaan ayaa ah Mid xasaasi ah, Maadaama uu xoogeystay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo sidoo kale maamul goboleedyadda.

Waa Shirkii Saddexaad ee yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyadda.