DHAGEYSO:-Maamulka Jubbaland Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Kala Dhaxeeya DFS

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir Jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aragtida Madaxda Jubbaland uu yahay qaran Soomaaliyeed oo guuleysta iyo in la xoojiyo Hay’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan Dowlad Goboleedyada balse nasiibdaro ay jirto isfaham la’aan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in hadii khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada aysan micnaheedu aheyn inay la-dagaalamayaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu soo hadal qaaday soo celintii Garoonka Kismaayo Saraakiishii ay Jubbaland ka soo celisay,waxa uuna sheegay in ka hor magacaabistaas ay cabasho u gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.