Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabi doonaan la-xisaabtanka Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista Dastuurka dalka si loo kala cadeeyo Shaqadooda.
Waxa uu sheegay in qorsuhu yahay in ay soo diyaariyaan liiska Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista dastuurka ha ahaadaan kuwo Caalami ah iyo kuwa Gudaha dalka ka Shaqeeya iyo waxyaabaha ay qabtaan.