Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxa uu soo bandhigay Caqabada Dhawr Ah oo uu sheegay inay xilligaan heystaan Hay’adaha Garsoorka dalka,isla markaana hortaagan.
Waxa uu sheegay in xilligaan caqabadaha heysta Garsoorka dalka ay ka mid yihiin,dhinacyada Dhaqaalaha,tababarada iyo dhisidii Awooda Garsoorayaasha Shaqaalaha,isla markaana ay tahay caqabada koowaad ee heysatada garsoorka.
Guddoomiye Baashe Waxa Kale Oo Uu Tilmaamay In Cabasho Ay Ka Qabaan dadka Isla-markaana Ay Hoos U Dhacday Kalsoonidii Lagu Qabay Garsoorka isagoona Intaa Ku daray In Garsoorka Lagu Xanto Musuq Iyo Shaqo Gudasho La’aan.