Ciidanka Xoogga Dalka oo howgal ku soo qabtay laba shabakad oo ka tirsan Alshabaab

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay gacanta ku soo dhigeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay Gobolka Gedo ayey waxey ku soo qabqabteen koox Amniyaad ah oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo Shabakad qaraxyada Al-shabaab ee ku diyaariyaan gudaha Magaalada.

Taliyaha ururka 49Aad guutada 10Aad ee ciidanka Xoogga Dalka Xidigle Faarax Maxamed turbac ayaa sheegay in ragga ay ciidamada Xoogga dalka ay howlgalka kusoo qabteen ay Al-shabaab u qaabilsanayeen dilalka qorsheysan iyo shabakad qaraxyada Maleeyshiyada  Al-shabaab u diyaarisa oo ka kooban Ajaanib iyo Soomaali.