AKHRISO:- Somaali u tartamaysa Barlamaanka Sweden

0

Ugu yaraan seddex murashax oo Soomaali ah ayaa u tartamaya xildhibaannimada Baarlamaanka Sweden, doorashada dalkaas ka dhici doonta 9 Siteembar 2018.

Laba ka mid ah waxay ka wada tirsan yihiin xisbiga talada haya ee Social Democrats, waxayna ka ololaynayaan magaalada caasimadda ah ee Stockholm.

Tiro ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin dalka Sweden, sida ay sheegayso tirokoob la sameeyey 2016.

Maxamed Nuur iyo Barni Nuur waxay ka mid yihiin Soomaalida dalkaas muddada dheer degganaa, haatanna u taagan xildhibaannada baarlamaanka.

BBC ayaa labadoodaba la xiriirtay, oo su’aalo isku mid ah weydiisay, xilli ay aad ugu mashquulsanaayeen ololaha doorashada oo gabagabo ku dhow.

Codadka ay ku xisaabtamayaan waxay ka doonayaan intooda badan Soomaalida ku nool Sweden ee xaqa u leh inay codeeyaan.

Wuxuu Sweden deggan yahay 20 sano, siyaasadda wuxuu soo galay muddo 5 sano ku dhow.

Degmada uu ku soo koray ayuu xisbiga Social Democrats guddoomiye uga ahaa.

Muxuu soo qabtay?

Wuxuu kala shaqeeyey jaaliyadda dhibaatooyin dhacay markii xisbigiisa uu 2014 ku guulaystay xukunka, markaasoo falal amni darro ay ka dheceen xaafadda uu deganaa.

Wuxuu xisbiga uga dhex dooday sidii dhibaatada loo joojin lahaa.

Mauxuu doonayaa in lagu doorto?

Wuxuu doonayaa in lagu doorto isagoo ka soo hor jeeda siyaasadda jinsi nacaybka (cunsuriyadda ku dhisan). “Magacayga waa Maxamed. Waxaan ahay qof muslin ah oo madow, anigoo intaas isku wata waxaan doonayaa in aan baarlamaanka galo oo wixii ay wataan aan ka hortagi karo, dadkayga difaaci karo, oo aan qayb ka noqdo go’aannada iyo sharci dejinta” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo intaa ku daray inuu ka shaqaynayo sidii uu wax uga beddeli lahaa muddada ay Soomaalida Baasaboorka ku qaataan “oo hadda 8 sano ah”, oo “sida dadka kale ay 4 sano ku qaataan”.

Siyaasadda xisbiga ee soo galootiga ka soo horjeedda iyo duruufta dadka muhaajiriinta ah sidee isu waafajinayaa?

“Wax badan ayaan xisbigayga iyo aniga iska hor nimid. Marka xisbigayga uu xisbi kale ka soo horjeedo, xisbiga ayaan tageersanahay, laakin haddii ay noqoto xisbiga iyo shacabka, waxaa la igu bartay in aan shacabkayga dhex istaago”.

Shaqooyinka dadka soo galootiga oo la adkeeyey in la siiyo ruqsadda shaqada

Wuxuu sheegay in afarta sano ee ay xukunka hayaan ay shaqaaleysiiyeen 300,000 oo qof.

Wuxuu intaa ku daray in guryo badan ay dhiseen, haddii ay doorashada ku guulaystaanna ay kuwo kale dhisi doonaan.

Maxay musharraxiinta Soomaalida ah codkooda u midayn waayeen?

“Waxaan ogsoonahay in gabar ay tartanka ku jirto, siddeed bilood ka hor ayaan bartay, horayna isuma aqoonin, waddan dimoqaraaddi ahna waa ku nool nahay, qof walbana hami ayuu leeyahay, mana dhicin in aan arrintaas isla soo qaadno.