AKHRISO:- Calaamada Aad ku Ogaanayso Xanuunka Gaas

0

Dhakhtarka ayaa ku waraysanaya kuna waydiinaya cabashooyin kaaga iyo calaamadaha aad dareemaysid inay yihiin kuwo la xariira Bacteria-da H.pylori iyo cudurka Gaaska, sidoo kale dhakhtarku waxa uu ku waydiinayaa qaab nololeedkaaga ku aadan cunooyinka aad cuntid si uu xaqiijiyo inay ku jiraan cunooyinka kiciya cudurka Gaaska, waxaa kale oo uu dhakhtarku ku waydiinayaa inaad isticmaashid daawooyinka keeni kara Gaaska, ama sababi kara inaad caloosha iyo mandhicirka ku yeelatid boog waxaa kamida daawooyinkaas, kuwa loo isticmaalo xanuun baabiyaha ama kaar jabinta ee loo yaqaano NSAID’S, Sidoo kale dhakhtarku waxuu ku waydiin cuntada aad cuntid iyo biyaha ama sharaabka aad cabtid inay yihiin kuwo wasakhaysan.

(2)- Taabasho iyo Dareemid:

Si uu dhakhtarku u ogaado inaad qabtid bacteria-da H.pylori iyo cudurka Gaaska waxuu taabanaa uur ku jirtaada asagoo uga danleh inuu ogaado inaad boog ku leedahay caloosha ama mandhicirada, hadii markii uu taabto uur ku jirtaada aad dareentid xanuun ama ka danqatid dhakhtarka waxaa uu ka ogaan karaa inaad qabtid bacteria-da H.pylori iyo cudurka Gaaska.

(3)- Shaybaaris, (Dhiiga, Saxara, iyo Neefta):

Waxuu kaloo dhakhtarku kuu diri karaa shaybaaraha si uu usii xaqiijisto inaad qabtid bacteria-da H.pylori iyo cudurka Gaaska, hadii ay ku filnaan wayso labadii arimood ee aan horay usoo sheegay ee ahaa waraysiga iyo dareenka taabasho, shaybaaraha ayaana xaqiijinaya inay bacteria-da H.pylori ku jirto Dhiigaaga, Saxaradaada, ama Neeftaada iyo cadadka bacteria-da ee ku jira iyo intay gaarsiisantahay, kadibna dhakhtarkii kusoo celinaya fariintii dhakhtarkuna uu ku qancayo xaqiijintaas.

(4) – Aalada Endoscopy:

wuxuu kaloo dhakhtaku u diri karaa qofka ku takhasusay sawirada ama aaladaha lagu sawiro xubnaha jirka bani’aadamka , si uu Calooshaada ugu sawiro mashiinka ama aalada loo isticmaalo in lagu eego caloosha iyo mandhicirada ee loo yaqaano ( Endoscopy ) tasoo cadaynaysa ama lagu arki karo in calooshaada ama mandhicirkaaga ay bacteria-da H.pylori ku samaysay boog, dabadeedna dhakhtarku uu tixraaci karo cudurka meeshuu gaarsiisanyahay.

Dhibaatooyinka waawayn ee kugu imaan kara hadaadan iska daawayn cudurka Gaaska iyo bacteria-da H.pylori ( Complications of H.pylori bacteria and Gastritis ):

Bacteria-daan waxay keeni kartaa ama sababi kartaa inay calooshaada iyo mandhicirkaaga ku samayso boog hadaadan isticmaalin daawada,
nabarkaas hadii uu samaysmo oo aad faraha kasii qaadid oo aadan daawo qaadan, waxaa kugu imaanaya saamayn wayn oo khatar galin kara noloshaaada waxaana kamid ah samaynahaas:

(1)- Dhiig bax gudaha caloosha ah iyo mandhicirada , tasoo ka imaanaysa inay boogtii calooshaada ku samaysmatay eey hoos usii qodmato dabadeedna xididada dhiiga ee caloosha iyo mandhicirka googyso dhiig baxna kugu yimaado.

(2)- Dhiig la’aan saa’id ah inay kugu timaado Taasoo ka imaanaysa dhiig baxa.

(3)- Caloosha iyo mandhicirada oo dhilaaca ama dalooshama dabadeedna ku furma xuubka u dhaxeeya caloosha ama mandhicirada iyo maqaarka sare ee jirka, cuntadii iyo wixii ku jiray caloosha iyo mandhiciradana ay xuubkaas dhex galaan waxaana arintaan looyaqaana ( perforation).

(4)- Caabuq inuu ku samahsmo xuubka u dhaxeeya caloosha ama mandhicirada iyo maqaarka sare, markay dhilaacaan caloosha ama mandhicirada kadib, arintaana waxaa loo yaqaanaa (Peritonitis).

(5)- Caloosha ama mandhicirada oo xirma ay xirto buro arintaana waxaa loo yaqaan (Obstruction).

(6)- Waxaa kaloo kamida dhibaatooyinka waawayn inuu yimaado ama kugu dhaco cudurka kansarka (Cancer) ee ku dhaca caloosha iyo mandhicirada hadhii aadan iska daawayn.

Daawaynta Bacteria-da H.pylori iyo cudurka Gaaska ( Treatment of H.pylori bacteria and Gastritis ):

(1)- Qaab nololeedkaaga ama cuntada oo aad hagaajisid ( Life style Modification and Health Diet );

-Hadii lagaa helo bacteria-da H.pylori iyo cudurka Gaaska waxaa muhiim ah inaad ka fogaatid, Cuntada bisbaaska badan, Cuntada dufanka badan (dufanka xoolaha kayimaada), iyo inaad ka fogaatid Isticmaalida ama cabida sigaarka.

– 6 maado oo dabiici ah, aadna muhiim ugu ah daawaynta bacteria-da H.pylori iyo cudurka Gaaska ama ka qayb qaadan kara hoos u dhigidooda waa kuwaan hoos ku xusan:

(A)- Ciirta:

Waxaa la ogaaday Isticmaalida ama cabida Ciirta ka hor iyo kadib isticmaalida daawooyinka lagu dabiibo Bacteria-da H.pylori iyo cudurka Gaaska inay aad muhiim u tahay ayadoo xafidaysa gidaarada (darbiyada) caloosha iyo mandhicirada, sidoo kale waxay ciirta muhiim u tahay inay kobciso labo nooc oo bacteria ah ( Lactobacillus iyo Acidophilus) oo caloosheena faaido u leh, faa’iidadaas oo ah inay ka qayb qaadato dheefshiidka cuntada, wax dhib ahna aan u gaysan habdhiska dheefshiidka iyo caloosheena toona.

(B)- Shaaha Cagaaran:

Waxaa la ogaaday cilmi baaris lasameeyay ka dib, in uu shaaha cagaaran uu aad u yareeyo koritaanka iyo taranka bacteria-da H.pylori sidoo kale waxuu ka hortagaa in caloosha ay yeelato boog.

(C)- Malabka:

Malabka wuxuu yareeyaa hoosna u dhigaa awooda ay bacteria-da H.pylori u leedahay inay saamayso caloosheena ama mandhicirkeena, waxaa la ogaaday labada nooc ee Malabka ah ee ugu wanaagsan inay yihiin;
-Raw Honey.
-Manuka Honey.

(D)- Saliid Saytuunka:

Saliid saytuunka waxay hoos u dhigtaa tarmida iyo kobcida Bacteria-da H.pylori, waxayna kaloo ay ka qayb qaadataa dadajinta biskoodka Nabraha ay bacteria-daan ku samayso caloosha iyo mandhicirada.

(E)- xididka loo yaqaan Licorice root:

Xididkan waxa leh geedka loo yaqaano (Glycyrrhiza Glabra)
Xididkan waxa uu dadajiyaa in boogta ku samaysmata caloosho iyo mandhicirada ay buskooto oo xuubki dib usoo fuulo boogta, sidoo kalana bacteria-da ayuu ka ilaaliyaa inay cunto gidaarada caloosha iyo mandhicirada.

(F)- khudaarta (Broccoli Sprouts):

Khudaartaan waxay aad uladirirtaa ama ay dishaa bacteria-da H.pylori, qudaartaan waxay aad ugu sii fiicantahay dadka qaba cudurka sonkorta (Diabetes mellitus Type 2) iyo Bacteria-daH.pylori.

(2)- Daawooyinka kiimikada ah:

Daawooyinka kiimikada ah ama pharmacy ga lagu iibiyo ee uu dhakhtarku qoro waa daawada rasmiga ah ee la hubo in lagu dabiibo cudurkaan , waxaa haboon in dhakhtarka kugu dhaw aad u tagtid si uu kaaga dabiibo xanuunkaan ama ugadabiibo cidii xigaalkaa ah ee qaba xanuunkaan.

Xiggasho Dr Fahad Abdisalan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here