TOP NEWS:- Madaxweynaha Cusub ee DDSI oo booqday goobo lagu xasuuqay shacab

0

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa waxa uu booqday deegaanka Tulli-Guuled halkaas oo Maalin ka hor Qowmiyada Oromada ay ku dishay ku dhowaad 10 Ruux oo Soomaalida Itoobiya ah.

Madaxweyne Mustaga Cagjar oo ay la socdeen Xubno ka tirsan Dowlad deegaanka ayaa la kulmay Waxgaradka iyo Odayaasha Tuulada sida uu sheegay Cabdi Rashiid oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Cagjar

”Waxaan la kulanay anniga iyo madaxweyne Mustafe odayaasha Tulliguuleed, insha allah waxaan sidoo kale la kulmaynaa odayaasha beesha Jinacsanay. Madaxweyne Mustafe waxaa muhiimada koobaad u ah xalinta khilaafaadka xuduuda iyo dib-u heshiisiin guud oo deegaanka ka dhacda.

Madaxweyne Mustafa Cagjar oo kulanka ka hadlay ayaa isna waxa uu sheegay in ay ku dhaqaaqayaan waxkasta oo xal looga gaarayo khilaafaadka xadka Soomaalida iyo Oromada,waxaana uu rajo ka muujiyey inay guuleysan doonaan.

Dagaalka u dhaxeeya Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa ah mid mudo badan soo jiimayey,iyada oo aysan ku guuleysan inay nabad ka dhex dhigaan Madaxdii soo martay dalka Itoobiya.