Waxaa Magaalada Gaalkacyo ka dhacay banaanbax ay dhigeen qaar ka mid ah dhalin yarada ku nool magaaladaasi,kuwaasi oo soo horjeeday jidgooyooyin hor leh oo la soo dhigay wadoyinka soo gala magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay ka cabanayeen isbaarooyinka,waxaa ay sheegeen in tacadiyo kala duwan loo geysto gaadiidka iyo dadka ku safraya Wadooyinka soo gala gudaha Magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in kooxo maleeshiyaad ah ay dadka ka qaataan waxyaabaha ay wateen,iyadoona gadiidka ay lacago xad dhaaf laga qaato.
Maamulka galmudug ayaa waxaa ay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan jidgooyooyinka la soo dhigay qaar ka mid ah duleedka Magaaladaasi.
Gaadiid aad u badan ayaa xiligan waxaa ay ku xayiran yihiin duleedka Magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug.
Warar ayaa sheegaya in Ciidamada isku dhafka ah ee ka jira Magaalada Gaalkacyo ay Maanta ku wajahan yihiin goobaha ay yaalaan isbaarooyinka.