DHAGEYSO:-Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta uu u tagay muqdisho

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qeyb qaatay guddi ay dowladda u xil saartay soo dhaweyntiisa oo uu horkacayay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa marka hore u mahadceliyay dhammaan dadka ka qeyb qaatay soo dhaweyntiisa, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka dib ugu soo laabto mudo sanad ka badan oo uu ku maqnaa dalka Turkiga.