DHAGEYSO:-Weerar lagu qaaday Xawaadley

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xilli dambe koox hubeysan ay ku qaadeen degaanka Xawaadley oo 22-KM dhinaca Bari kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kooxdan hubeysan ayaa weerar ku qaaday dhawr xarumood oo ku yaalla degaanka Xawaadley, iyada oo goobaha ay bartilmaameedsadeen ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan, maamulka degaanka iyo masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha degaanka Xawaadley C/laahi Macaani Adeerow ayaa sheegay in dagaalka uu socday mudo Laba saacadood, islamarkaana lagu dhaawacay Taliyaha amniga Xawaadley, sidoo kalena halkaasi uu ku gubtay gaari Cabdi Bile ah oo uu lahaa Taliye ku-xigeenka saldhigga Booliska degmada Balcad.