DAAWO:- Dibedbax ka dhan ah maamulka Jubbaland oo maanta ka dhacay Degmada Ceelwaaq.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay dibedbax ka dhan ah maamulka Jubbaland.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta uu ka dhacay dibedbax degmada Ceelwaaq kaasoo ka dhan ah maamulka Jubbaland.

Dibedbaxayaasha ayaa waxa ay sheegeen in ay taageerayaan dhamaan dibedbaxyadii ka dhacay degmooyinka Garbahaareey, Baardheere iyo Buurdhuubo, sidoo kalena waxa ay dalbadeen in hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu iscasilo maadaamada uu ku fashilmay hogaanka maamulka Jubbaland.

HOOS KA DAAWO