Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo in ay Goordhaweyd ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isaga iyo wafdigiisa oo ku sii jeeda dalka Shiinaha, halkaasi oo kaga qeyb galayo shirka ay yeelanayaa madaxda Africa iyo madaxweynaha shiinaha.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyne Farmaajo uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka shiinaha sida markii wareysi siinaye idaacada kulmiye uu u sheegay wasiirka arimaha dibbada soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Wixii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media