TOP NEWS:- Madaxweynaha Aljeeriya oo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Geneva.

0

Madaxweynaha dalka Aljeeriya Abdelaziz Bouteflika ayaa ku sugan magaalaa Geneva ee dalka Switzerland, si loo hubiyo xaaladdiisa caafimaad,sida lagu xaqiijiyay hadal ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada dalkaasi.

Madaxweynaha oo 81-sano jir ah ayaa maalinimadii shalay gaaray magaalada Geneva ,waxaana xilliyadii u dambeeyay uu howshiisa ku watay Kursi dushiis isagoo sanado badan la ildarnaa cudurada ay keenaaan dhiig-karka oo ku dhacay 2013-kii.

Abdelaziz Bouteflika muddooyinkaan waxa uu ahaa nin aan ka muuqan goobaha bulshada ,wuxuuna horay u booqday Cisbitaal lagu magacaabo Val-de-Grace oo ku yaalla magaalada Paris, halkaas oo uu ka helay daawooyin caafimaad.

Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo xilka qabtay sanadkii 1999, taageerayaasha xisbigiisa (Liberation Front party)ayaa haatan doonaya in uu 2019-ka mar shanaad u tartamo jagada madaxtinimo.