Taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee Liyuu Police-ka oo diidan xilka qaadistii lagu sameeyey

0

Wararka laga helayo shaqsiyad aad ugu dhaw taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee Liyuu Police-ka Jen, Cabdiraxmaan Labo-golle ayaa sheegaya in uu habeen kahor ciidamo fara badan kala baxay magaalada Jigjiga, isagoo gaaray deegaanka Galaalshe ee gobalka Faafan, wuxuuna halkaas kula kulmay cutubyo kamid ah ciidamada uu mudada dheer xukumayey.

Wararku waxay sheegayaan in uu ka soo horjeedo xilka qaadista lagu sameeyey, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay habeenimadii 27-kii bishan Madaxweynaha Ismaamulka cusub Mustafa Muxumud Cumar oo ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan mustaqbalka ciidankan, oo ay isku afgaran waayeen.

Jen, Laba-Golle ayay wararku sheegayaan in uu diiday xil ka qaadista lagu sameeyey uuna doonayo in uu la dagaalamo cid kasta oo isku dayda in ay hub ka dhigis ku sameyso ciidamada ama isaga laftirkiisa laysku dayo in la qabto.