DHAGEYSO WARBIXIN:- Sababaha loo xiray Madaxweynihii hore DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

0

Wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee gobalkaas, wuxuu mudo dheer gacanta ku hayey taladda, wuxuuna nasiib u helay gobalka oo ay ka yaraadeen dagaalo ay garwadeen ka ahayd jabhada la dagaalamaysay Itoobiya ee ONLF.

Wuxuuna ahaa mid kamid ah xubnihii ugu adkaa ee soo mara ismaamulka Soomaalida, wuxuuna saaxiib Koowaad ka dhigtay Ururkii hayey talada Itoobiya ee Tigree-gu awoodiisa lahaayeen.

Marar badan ayaa laysku dayay gudaha xisbiga TPLF iyadoo loo marayo, in kursiga laga qaado, laakiin waa lagu guuldareystay markii ay difaac adag u noqotay Marwadii Meles Zanewi oo sannadkii 2017-kii bartamihiisii laga saaray Liiska Xisbiga talada Itoobiya haya.

Warbixintan waxaa diyaariyay Wariye Maxamed Ciise Maxamuud:-