Weli waxaa saan saan colaadeed laga dareemayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo shalay ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo Maleeshiyaad ku heyb ah Bajaale maalin kahor lagu dilay bartamaha magaalada.
Dagaalkaasi oo ka dhacay saldhigga Booliska magaalada ayaa sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca saddex kale oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in weli ay jirto cabsi ku aadan in dagaal kale uu dhacop, maadaama maleeshiyaadka ay tilmaameen in aysan ku qanceyn wax aan aheyn in ay gacanta ku dhigaan askariga dilay wiilkooda oo ku jira gacanta dowladda.