Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Mudane C/xakiin Yuusuf Xuseen ayaa magaalada Boosaaso kulan uu warbaahinta ugu qabtay wuxuu kusoo bandhigay nin shacab ah iyo Khamri uu watay sida ay sheegeen Taliska qaybta Booliska gobolka Bari.
Taliyaha ayaa uga digay dadka ka ganacsatada Xashiishka iyo Khamrada inaysan lasoo galin gudaha Boosaaso hadii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigaana ay u gubinayaan Maxkamad.
Taliyaha qaybta Boolisha gobolka Bari Mudane C/xakiin Yuusuf Xuseen ayaa fariin u diray Maxkamada gobolka Bari wuxuna ugu baaqay inaysan xukun Jilicsan ku xukumin dadka lagu soo qabto Khamrada iyo Xashiishka.