Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya iyo xubno ka socda wadamada taageera Soomaaliya ayaa shalay tagay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Xubnahan oo halkaasi u tagay qiimeyn ayaa kormeer ku soo sameeyay saldhiga Booliska magaalada Marko iyo xarumo kale oo maamulka uu ku shaqeeyo.
Sidoo kale magaalada Marko shalay waxaa la geeyay ciidamo Boolis oo hordhac ah ciidamo badan oo Booliska ka tirsan, kuwaasi oo xaqiijinaya ammaanka magaalada, islamarkaana ka shaqeynaya is dhexgalka bulshada.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa wuxuu sheegay in ciidamadan la geeyay Marko ay yihiin kuwa yar, wuxuuna dalbaday in la soo kordhiyo.