Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunoow Qorane.
Xarigga Guddoomiye Cali Bunoow ayaa lala xiriirayay toogasho dhawaan loo geystay madaxii hore ee Maaliyadda Gaarisa oo lagu dhaawacay Nairobi.
Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Cali maanta oo Talaado ay ay su’aalo ka weydiin doonaan waxa uu kala socdo toogasho loo geystay madaxii hore ee Maaliyadda Gaarisa Idiris Mukhtaar oo hadda ku jira Isbitaalka.
Guddoomiye Cali Bunow iyo labo qof oo loo heysto in loo qortay dilka Idiris ayaa ku jira Xabsiga Booliska ee Kilimani.
Idiris ayaa la toogtay isaga oo ka adeeganayay suuqa Kileleshwa, ee Magaalada Nairobi,waxaana kuwa toogashada u geystay ay uga tageen Mayd ahaan.