SAWIRRO:-Banaanbaxyo ka dhacay magaalada Jigjiga iyo meydad la geeyay magaalada

0

Banaanbaxyo waa weyn ayaa ka socda Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Banaan baxa ayaa yimid kadib markii meydadka in ka badan 15 qof oo isugu jira Haween, Carruur iyo Dad waayeel ah oo Soomaaliyeed la keenay Jigjiga, kuwaasoo lagu laayay deegaanka Tuli-Guuleed ee ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Oromada la keenay jigjiga.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay gudaha magaalada Jigjiga iyo Barxada Isbitaalka, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin ficilada Ugaarsiga Shacabka iyo qof kasta oo suurad Soomaaliyeed ah ee ay wadaan ciidamada Milateriga iyo qeybta Oromadda.

Bileyska Faderaalka & ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa isku dayaya in xaaladda magaalada, la dajiyo, balse dadkii ugu faraha badnaa ayaa kusoo xoomay Wadooyinka