TOPNEWS:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Safiirka Uk u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta la kulmay Safiirka UK u fadhiya Soomaliya David William Concar iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo horumarinta iskaashiga Dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya mr Concar ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumarada ay ka samaysay dowlad wanaagga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo Sugida Amniga.

Kulanka ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la yeeshay safiirka UK ayaa ku soo beegmay xilli la filayo in toddobaadka soo socda ay booqasho ku timaado dalka Kenya ra’iisul wasaaraha UK Theresa May.

Lama oga in Theresa May ay sidoo kale booqasho ku iman doonto dalka Soomaaliya iyadoo booqashooyinka madaxda wadamada reer Galbeedka aan la shaacin.