Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ku celiyey in dowladda ay tallaabo ka qaadeyso mas’uulkii ka tirsan dowladda ee sameeya musuq maasuq.
Waxa uu markale uga digay mas’uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan musuq maasuq ku sameyn hantida lagu aaminay oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.
“Hadii aad tahay masuul Soomaliyeed oo lagu aaminay xoolaha Ummadda ha isku musuq maasuqin ha isku-xadin,lagaa yeeli maayo waa lagaaga daba imaanayaa,hadii Ummadda Soomaaliyeed hantidooda ee laguugu aaminay kasoo bax,hadii aad ka soo bixi weyso waa lagu qabanayaa.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku soo aadaya xilli Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan ay u xiran yihiin eedeyn la xiriirta musuq maasuq.