Xili Xiisad Dagaal oo u dhaxeeysa Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ay wali ka taagan tahay Degaano ka tirsan Gobolka Sool,ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in Dhalinyarada ku Nool Magaalada laascaanood ay dhibaato badan heysato.
Duqa Magaalada Laascanood ee Maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dhalinyarada ku Nool Magaalada Laas-caanood ay dhibaato badan ay kala kulmaan Maamulka Soomaaliland ee Magaalada Heeysta,waxa uuna Tilmaamay in Xalay ay u dambeysay in Ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland ay dhibaato kula kaceyn Dhalinyarada Magaalada.