DHAGEYSO:-Shariif Xasan oo Lagu Eedeyay Inuu Diyaarsaday Guddiga Doorashooyinka

0

Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo kamida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in madaxweynaha maamulkaasi oo ka mida  musharixiinta Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu diyaarsaday Guddi doorasho oo uu isagu qoray.

Aadan Saransoor oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in Shariif Xasan liiska Guddiga doorashada ee uu isagu qortay uu doonayo inuu ku dhawaaqo Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo uu sheegay inay tahay arrin sharci darro ah oo aan aqbali karin.