DHAGEYSO:-Dagaal la sheegay in Jab Xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo ka dhacay Degaan ka tirsan Koonfur Galbeed

0

Ismaaciil Khaaliifa Abaanduullaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed maalmihii la soo dhaafay ay Sameyeen Howlgal Al-shabaab looga saarayo Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Bay iyo Bakool.

Abaanduulaha ayaa tilmaamay in Degaan ay ku sugnayeen Al-shabaab ay Weerar ay ku qadeen,isla markaana ay jab Xooggan ay ku gaarsiyeen Dagaalkaasi,waxa uuna hoosta ka xariiqay Abaanduulaha in Meydadka iyo dhaawaca Dagaalka Al-shabaab ay ugu geysteen ay jiteen,waxa uuna xusay in wax lala yaabo in ay tahay in Dagaalka aan la ogeyn wax uu salka ku hayo ay ku soo qadaan Goob ay ku sugnayeen Dad Shacab ah ama Ciidamo,taasina ay tahay mid aad u qaldan sida uu hadalka u dhigay.