DAAWO:- Dibedbax looga soo horjeedo Jubbaland oo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

0

Wararka maanta naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi uu ka dhacay dibedbax looga soo horjeedo maamulka Jubbaland.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shacabka degmada Baardheere ay dibedbax ku muujiyeen inay kasoo horjeedaan ku tagri falka iyo horumar la’aanta maamulka Jubbaland.

Shacabkan dibedbaxayay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo xambaarsan fariin oo ahaa in hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu iska casilo xilka.

HOOS KA DAAWO