TOPNEWS:-Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ku wajahan Garbahaarey

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay in uu doonaayo in uu qanciyo dad Shacab ah oo maalmihii lasoo dhaafay rabshado ka waday Magaalada, kuwaasoo kasoo horjeedda maamulka Jubbaland.

Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa shalay ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday xubno Wasiiro ah oo gaaray magaaladaasi.