Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa caasimada Itoobiya ee Addis Ababa kula kulmay hoggaanka siyaasada,waxgaradka iyo mas’uuliyiin ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Madaxweynaha cusub ee Dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Muxumad Cumar ayaa kulanka ka qeybgalay ,waxaana looga hadlay sidii xal dhameystiran looga gaari lahaa rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa mas’uuliyiintii Soomaalida ahaa ee uu la kulmay ka ka codsaday saddex qodob oo kala ah in Sharciga lagu dhaqmo,dadku inay dulqaad yeeshaan iyo in Cadaalad la sameeyo.
Odayaaahii iyo mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgalay ayaa dhankooda ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed in mar walba ay helaan cadaalad isla markaana cadaalada lahor-keeno dad ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.