FAALO:- Daadkayga Puntland iyo Doorashadda 2019

0

Iyadoo dadka reer Puntland ay si weyn u dhawrayaan inay qabsoonto doorashada Madaxtinimada 8da Jan. 2019, waxaa jira kala aragti duwanaan ku salaysan sida lagu xulanayo hogaanka la filayo inuu qabto xilka Madaxtooyada Puntland 2019ka. qayba bulshada si ayey wax u rabtaa. Hadii aad fiirino marka hore waxaa jirta labo hab oo waa weyn oo kala ah isbedel doon iyo isbedel diid, qolyaha isbedel doonka ah ayaa u kala baxaa saddex qeybood:

1. Isbedel aragti dawladnimo ku salaysan.
2. Isbedel Qabiilaysan.
3. Isbedel qorshe aan wadan.

Halka kooxaha isbedel diidku ay la kala safan yihiin madaxda hada talada haysa,

Haddii aan isku dayo in aan sharaxo mid walba oo ka mid ah aragtiyahan iyo sida ay bulshadu ugu kala aragti duwan tahay.

1. Isbedelka cilmiyeysan ee aaminsanaanta dawladnimada: waa qaab ay dad badani aaminsan yihiin una arkaan in uu yahay hab macno u samaynaya bulshada kuna salaysan aragtida hanaanka dawladnimada, qaybtaas bushada ka midka ahi waxaa u muuqda dhaliilo waxayna hayaan xalal iyo wadooyin loo mari karo, isla markaa waxaa u muuqda in nidaamka hadda jiraayi uusan hayn wadada ay ayagu u mari lahaayeen xalka helista dawladnimo waarta, sidaa daraadeed ayey u arkaan in isbedel siyaasiya uu lagama maarmaan u yahay geyiga Puntland.

2. Isbedel qabiil ku dhisan: qaybtani bulshada ka midka ahi waxaa u muuqda in uu yimaado isbedel Ku salaysan qabiil. waxayna u kala baxaan labo qaybood, B waxay aaminsan yihiin in xilku yahay meerto uu hadba qabiil qaato, haddana aysan dhaafin reerka markaas taraha u leh, wadada keliya ee furanna ay tahay kala doorashada xubno dad ah oo ka soo jeeda reerkaas, lagana xusho midka ugu haboon ee talada dalka lagu aamini karo,

T. Qaybta kale waxay u arkaan in Puntland intii ay jirtay ay haysteen hogaaminta siyaasadda iyo talada dalka hal qolo, ayna tahay wakhtigii loo midoobi lahaa sidii qolodaas meesha loo dhaafin lahaa, iyadoo ay dhici karto in aysan ka eegayn yaa mudan xilka ee ay ka eegayaan yaan reerkaas aheyn.

3. Isbedelka bilaa qorashaha ahi: waxaa jira qayb ka mid ah bulshada oo u aragta in kursiga qofka jooga un la bedelo, kama fiirinayaan qabyaalad, dantooda gaarka ah, wax qabad, dal jacayl, mana kala jecla dadka sharaxan, waxay keliya oo ay door bidayaan in qofka markaa xilka haya uu baneeyo meesha uuna yimaado qof cusub.

4.Qaybta kale ee isbedel diid: waa qeyb bulshada ka mid ah oo iyagu u arka in nidaamka hadda jira uu soo laabto, waxayna ku kala aragti duwan yihiin soo wada laabashada madaxda, qeyb waxay qabtaa in ay soo wada laabtaan halka kuwa kalena ay la kala safanyihiin masuuliyiinta oo ay qeyba mid taageersan tahay, kan kalana ay dhaliilayaan, doodoodu waxay ku salaysan tahay in nidaamkaani wax badan qabtay, wadanka fahmay wax yaabo badan oo ka khaldamayna uu sixi karo hadduu fursad kale helo, waxay u arkaan in dadka sharaxan aysanba muuqan cid bedeli karta madaxda hadda joogta xafiiska.
Ugu danbeyn dadka reer Puntland waxaa muhiim u ah in ay si mugleh uga fiirsadaan jidka ay qaadayaan iyo cida hogaaminta wadanka ay u dhiibayaan taasina waxay ku imaanaysaa waa dariiq dheer mana aha mid ka mira dhalintiisa aan Ku aamini karno qofkasta, marka waa lagama maarmaan in aan xeerino aqoonta shaqshiyaadka, aaminsanaanta mabda’a dawladnimada, kartida iyo hufnaanta islamarkaana ka dheeraano cadiifad iyo nin jeclaysi, wadanka cidda hogaanka ka noqonaya waa wax xag rabi ka qoran laakiin inagu yeynan dadaalkeena iska hagran. aan xasuusnaano in àan go’aaminayno aayaha ummaddeena iyo mustaqbal wanaagsan.

Wabilaahi Tawfiiq

Waxaa qoray: Zubayr Cumar Cali (Dimcad)