Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay dibedbax weyn oo looga soo horjeedo maamulka Jubbaland.
Dibedbaxan ayaa waxa uu yimid kadib halkaas markii ay gaareen wafdi wasiiro Jubbaland ah oo u gogol xaarayay in horjoogaha Jubbaland Axmed Madoobe uu halkaas tago.
Dibedbaxan maanta ka dhacay degmada Garbahaareey, ayaa waxaa ka qayb qaadanayay dhamaan qaybaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garbahaareen ee gobolka Gedo.
HOOS KA DAAWO
HOOS KA DAAWO DIBEDBAXA OO DHAMEYSTIRAN.