DHAGEYSO:-Xiliga la dhisayo Golaha Deegaanka Boosaaso Oo La Shaaciyay

0

Gudoomiyaha gobolka Bari mudan Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa xili uu ka hadlayey Salaada Ciida wuxuu sheegay in maamulka gobolka uu waddo sidii Hormar u gaari lahaa gobolka Bari.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhismaha Golaha deegaanka gobolka Bari wuxuuna soo hadal qaaday in 28 Bishan lasoo dhamaystirayo laguna dhawaaqayo golaha deegaanka Boosaaso.

Yuusuf ayaa mar uu ka hadlayey Dhismaha golaha iyo Xildhibaanada Cusub wuxuu sheegay inay ka duwanaan doonaan kuwii hore ee soo maray gobolka Bari muddadii lasoo dhaafay,Wuxuuna hadalkiisa sii raciyey in Xildhibaano Aqoon leh la keenayo oo laga gudbayo Xildhibaano bilaa Aqoon ah oo Oday Watto.