Golaha fulinta Xisbiga EPRDF ee ka taliya dalka Ethiopia ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ka soo saareen amar ah in la soo xiro taliyihii hore ee nabad sugidda Ethiopia Getachew Assefa.
Gatachew ayaa muddo sanooyin ah hayay xilka taliyaha nabadsugida Ethiopia waxaana laga qaaday xilkaas kadib markii xisbiga talada haya uu u doortay inuu uu noqdo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.
Taleefishin xaruntiisu tahay dalka Maraykanka ESAT ayaa shaaciyay in Getachew Assefa uusan ka qeybgalin kulan ay lahaayeen golaha fulinta xisbiga EPRDF uu xubin ka yahay waxaana la sheegay inuu ka tagay dalka Ethiopia.
ESAT ayaa intaa ku daray in taliyihii hore ee nabadsugida Ethiopia uu muddo bil ah degenaa hotel ku yaal magaalada Mekelle kadibna waxa uu u gudbay dalka Sudan. Qaar kamid ah ciidamada Booliska gobolka Tigray ayaa la sheegay inay fududeeyeen baxsiga Assefa.
Getachew Assefa ayaa ka mid ah sagaalka xubnood ee golaha fulinta jabhadda xoreynta Tigray waxaana lagu eedeynayaa dambiyo ay ka mid yihiin hurinta colaadaha qowmiyadaha oo ka dhacay qeybo kala duwan oo dalka Ethiopia ka mid ah.
31-kii July ee sanadkan ayaa illaa iyo 45 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Federalka Ethiopia xabsiga la dhigey hase yeeshee toddobaadkan ayaa maamulka gobolka Tigray uu sii daayay.