FAALO:- Somaliland iyo Puntland: isku adeegsiga Jabhado cidna dani uguma jirto !!!

0

Dagaaladan ka hor Somaliland iyo Puntland waxa ka dhexeeyey iskaashi dhinaca amniga ah, waxaana la isku celin jirey dambiileyaasha, qof kasta oo dambi ka galla halka uu joogo maahee halka kale uma baxsan Karin oo meesha uu ka baxsado ayaa dib loogu soo gacan galin jirey.

Si kasta oo Somaliland iyo Puntland dagaal ku dhexmaro hadana dambiiluhu dhexdoodda kuma badbaadi jirin, haseyeeshee imika wax badan baa isbedelay oo dhulkaasi wuxu noqon karaa goobo ay ku dhuuman karaan dambiileyaashu,wallow aanay ogolaan doonin dadka deegaanku in dhulkooddu noqdo goobo dagaalo ka dhacaan.

Siyaasaddii dagaalka u dhexeeyey labaddan dhinac waxay u muuqata in jabhado la isku hubeeyo, oo Puntland waxay dhulkeeda saldhig ka siisay jabhad ay taageerayso oo dagaal la galla Somaliland, iyadoo u aragtay inuu culayska Tuko raq ka haysta ka yaraanayo.

Sidoo kale, waxa iyaduna imanaysa oo suurogal ah in Somaliland iyaduna samayso jabhado duulaan ku qaada Puntland oo ka dagaalama xuduudda Sool iyo Nugaal u dhexeysa, taas oo Somaliland ku doodi karto in aanay iyagu shaqo ku lahayn jabhadahaasi oo ay yihiin jabhaddo ka difaacanaya dhulkooda Puntland.

Jabhadaasi oo laga dhigayo ciidamo reer Sool ah, kuwaas oo iyaguna ku garnaqsanaya inay yihiin jabhad gobolkooda xoreysanaysa, hadii taasi timaadana waxa halis gali karta amniga Garoowe, maadama oo gobolka Sool iyo Nugaal ood wadaag yihiin, oo Garoowe ku taalo meel aan ka fogeyn xuduudda gobolka Sool.

Hadii jabhado isku hubeeyaan labadda dhinac waxa dhici karta in dagaalkaasi jihooyin kale u leexdo oo qolo waliba jabhadda ay taageerayso soo hubayso, inkastoo labadda jabhadood midna dan u ahayn oo amniga gobolka halis galin karto, laakiin khatarta ka iman karta waa mid ka badnaanaysa dagaaladdii labadda dhinac hore u dhex mari jirey.

Tusaale ahaan, Jabhada la isku samaystay waxay u eekaanaysa sidii dawladdii Siyaad Bare ku samayn jirey Itoobiya ee inta ay askarta xooga dalka direyska ka saarto ku doodi jirey waa jabhadii Soomaali galbeed oo dhulkooda xoraysanaysa, iyadoo beesha caalamka ka dhaadhicin jirtay fariin khaldan,isla markaana ciidamo dhar shacab xidhan dagaalo ku qaadi jireen Itoobiya gudaheedda, kuwaas oo markii dambe la ogaaday inay yihiin askar tobabaran.

Marka Somaliland iyo Puntland midna dan ugu jirto in amniga xuduudahooddu wax halis gallin kara, waayo, waxa ku soo dhex dhuuban kara kooxaha xagjir ah oo ka faa’iidaysan kara deegaanada dagaalku ka socdo ama jabhaduhu degan yihiin, waana fursadaha ay ilaashadaan kooxahaasi.

Hadaba, waxay is waydiintu tahay, Hargeysa iyo Garoowe teebaa halis ugu dhow inuu amnigeedu khalkhalgalo, boqolkiiba intee ayey suuragal noqon karta in Jabhadda Puntland taageerayso Hargeysa dagaal ku soo qaadi karto, iyo inta Jabhadda Somaliland taageerayso Garoowe amnigeeda khalkhal galin kartaa ?. dhinacee bay waxyeeladu u badan kartaa oo jabhada uu taageeraya guul ka gaadhi karta hadafka loo samaystay .? waa su’aalaha la is waydiin karo balse waxaan u dhaafayaa akhristayaasha jawaabtaasi.

Anigu waxaan ku soo afjarayaa dhinacna dan uguma jirto jabhaddo la samaysto

W/Q Barkhad-Ladiif M. Cumar