DHAGEYSO:- TOP NEWS Axmed Madoobe Muxu kayiri dagaal kadhacay Kismaayo

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam( Maodobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal beeleedyo ka dhacay deegaano hoostaga Magalada Kismaayo.

Dagaal beeleedkaas ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Dalsan,waxana uu u dhaxeeyey laba beelood oo isku-heystay dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku-dayey in dagaalkaas oo ahaa mid siyaasadeysan,isla markaana la doonayey in la huriyo sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Dalsan ee duleedka kismaayo ayaa waxaa dhawaan tegay oo si awood ah dagaalkaas ku joojiyey Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.