Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hambalyo u diray ummada Muslim ka ah iyo shacabka Soomaliyeed munaasibada ciidul Adxaa darteed

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21 August 2018 waxaa uu hambalyo u diray ummada Muslim ka ah iyo shacabka Soomaliyeed munaasibada ciidul Adxaa darteed.

Madaxweynaha ayaa si gaara ula wadaagey  farxada ciidul Adxaa shacabka reer Puntland meelkastay joogaaan, waxaana u dhammaantood ilaahay uga baryey inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo farxad, caafimaad qab, nabad gelyo, horumar iyo wadajir.

“Ciid Mubaarak Ciid Mubaarak, waxaan maanta rabaa halkaan munaasabada ciidul adxaa uga jeediyo hambalyo Shacabweynha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan dad weynaha reer Puntland ee aan madaxweynaha u ahay, waxaan leeyahay Ciid Mubaarak, ciid wanaagsan idinka, caruurihiina iyo saaxiibadiina ku ciida nabad galyo iyo wadajir, waxaan rabaa inaan munaasbadaan kaga faa’iidaysto kuna bogoaadiyo una sheego dad weynaha reer Puntland in ay nabad-galyadooda ilaashadaan, inay meel uga soo wada jeesadaan cadawgooda isku soo bahaystay dhan walaba, ama ha noqdaan Shabaab iyo Daacish ama hanoqdaan  cidkale ee beryahan ku haysay daan daansi, waxaan rajeenayaa maadaama ay tahay maalin farxadeed marabo inaan ku dheeraado, waxaan rabaa inaan u sheego in ay Puntland tahay amni in dad keeda ay ku filan yhiin, amnigeeda gacan bira ku qabsadaan, in ay si wada jira u daafacaan, in ay si midnimo leh uga hortagaan cadawgeeda u hanqal taagaya in dhibaateeyaan amnigaas, wanaagaas iyo hormarkaas ay dadkeedu sameysteen, waxaan rajeenayaa sanadkan sandkiisa inaad ku gaartaan nabad gelyo iyo horumar.

Ugu Danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaara hambalyo ugu diray ciidanka qalabka sida ee Dawladda Puntland, kuwaas oo uu xusay inay yihiin kuwa sugaya amaankeena xiliga aan gudanayno waajibaadka Alle ina faray.

=DHAMMAAD=