DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo qabilay Wafdi Aqalka sare kasocda

0

Kulankaan dhexmaray gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha aqalka sare ee Soomaaliya Mowliid Xuuseen Guhaad iyo guddoonka barlamaanka Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayey wadashaqaynta aqalka sare ee Soomaaliya iyo barlamaanka Puntland.

Aqalka sare ee dalka iyo gudoonka barlamaanka Puntland ayaa isku afgartay hannnaanka midaynta shuruucda dalka iyo iswaydaarsiga xogaha kala duwan.

Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha aqalka sare ee Soomaaliya Mowliid Xuuseen Guhaad iyo guddoonka barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay.