Ururrada ONLF iyo SRDA oo ku Dhawaaqay Isbaheysi cusub oo ka shaqeynaya danaha Somalida

0

Ururrada ONLF iyo SRDA ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen isbageysi cusub oo ay ku sheegeen in uu ka shaqeynayo horumarinta iyo danaha dadka Soomaalida ah ee ku hoos nool dowladda Itoobiya.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter-ka Ururka ONLF ayaa lagu sheegay in labada Urur ay ku heshiiyeen dhismaha Isbaheysiga Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF ).

Isbahaysiga cusub ayaa lagu sheegay in uu ka shaqeyn doono xoriyadda iyo caddaaladda Soomaalida dalka Itoobiya.

Ajendaha Isbahaysigan ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu ka mid yahay sidii Soomaalida ku hoos nool Dowladda Itoobiya u heli lahaayeen Garowsi gaar ah.

Ururka ONLF waxaa uu muddo dheer u dagaallamayay madaxabanaanida Ismaamulka Somalida Itoobiya halka,Ururka kale ee SRDA uu ahaa Urur doonayay in uu maamulo Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya sida Xisbiga Cabdi Maxamuud Cumar oo dhawaan xilka laga qaaday oo kale.