TOP NEWS:- Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan sheekh Maxamuud oo kulmay

0

Kulankaan ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dhexmaray Magalada Ankara ee dalka Turkiga oo uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku joogo.

Kulanka ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaalada dalka sida uu shaaciyey kulanka kdib madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

”Maanta waxaan Ankara ku kulany Madaxweyne Maxamed Cabduulaahi Farmaajo,waxaan kulankeena uga hadalnay arrimo ku saabsan guulaha ay gaartay dowladda iyo caqabadaha ku horgudban iyo sidoo looga gudbi lahaa oo dowladdu horumar u gasri laheyd ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Ankara ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay la hadal haayey in uu ku soo wajahan yahay Magalada Muqdisho si uu u sameeyo Xisbi Weyn oo uu hoggaamin doono.

Waa markii labaad ee uu Ankara ku dhexmaro kulan xasaasi ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soom